daajis.com:- Booliska magaalada Nairobi ayaa xabsiga dhigay saddex ruux oo loo haysto inay doonayeen inay weeraro ka fuliyaan mid kamid ah xarumaha ganacsiga magaalada Nairobi.
Xarunta ganacsiga ee The Garden City Mall oo ka mid ah xarumaha ganacsiga ugu waaweyn magaalada Nairobi ayaa dadkii ku jirey si degdeg ah loogaga daadgureeyay waxana ay ciidamada Booliska ay kala furfureen bam lagu soo qabtay saddex dhalinyaro ah.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in saddexdan ruux uu mid ka mid ah diiday in la baaro hase yeeshee waxaa isku duubay booliska oo ka awood roonaaday.
Afhayeenka Booliska Kenya George Kinoti ayaa u sheegay BBC in saddexda ruux ee la soo qabtay ay dhamaantood ahaayeen muwaadiniin Kenyan ah, waxana uu sheegay afhayeenku in mid ka mid ah boorsooyin ay wateen laga helay waxyaalaha qarxa.
“Xaaladu hadda waa ay degen tahay ciidamada ammaanka ayaana gacanta ku haya wadanka guud ahaantiis ammaankiisa waa uu sugan yahay,”ayuu sii raaciyay afhayeenka.
Waxaa la aaminsan yahay in ragan qalabka lagu soo qabtay uu ahaa qalab yar oo qarxi kara kuna xiran Battari ku sii xiran mobile kaasoo qarxi kara.
War ka soo baxay xarunta ganacsiga ee Garden City Mall ayaa sheegay in guddoomiyaha Nairobi Evans Kidero uu sheegay in xaruntu ay dib u furmi doonto subaxnimada Arbacada.
Mr Kidero ayaa u mahadceliyay ciidamada Booliska iyo weliba shaqaalaha xarunta ganacsiga sida degdegta ah ay ugaga falceliyeen .
Tan iyo markii ururka Alshabaab uu dad badan ku diley xarunta ganacsiga ee Westgate magaalada Nairobi guud ahaan ammaanka magaalada Nairobi ayaa sare loo qaaday.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at