DAAWO:- Booliska Holland oo si xun ula dhaqmay Soomaali maskaxda ka xannuunsan

DAAWO:- Booliska Holland oo si xun ula dhaqmay Soomaali maskaxda ka xannuunsan

daajis.com:- Booliska magaalada Utrecht ee dalka Holland ayaa si xun ula dhaqmay Aabe Soomaaliyeed oo madaxa ka xanuunsan, kaasoo inta ay qabteen xabadka dhulka u dhigay, kadibna mudo 30 daqiiqo ah uu askariga haayay jilbahiisa dul saaray ninka Soomaaliyeed ilaa ay askar kale ugu yimaadaan.

Ninkan Soomaaliyeed ee maskaxda ka jiran ayaa sameeyay buuq uu ka kiciyay dukaan ku yaal Utrecht, inkastoo qolada dukaanka aysan ka war hayn inuu ninkan xanuunsan yahay ayey waxay waceen Booliska, markii ay yimaadeena wuxuu diiday in uu maqlo warka Booliska, taasoo keentay in si xun loola dhaqmo, kadibna la geeyo saldhiga booliska.somali-bolis-holand

Haweeney wadada mareysay ee ka xumaaday hab dhaqanka Booliska ayaa waxay si caro leh ula hadashay askarigii tallaabadaasi sameeyay, iyadoo u sheegtay in sharciga uusan qabin in sidaan qof bini’aadam ah loola dhaqmo, hase ahaatee Booliskii ayaa haweeneyda ka codsaday in hadii ay su’aal ama dacwo qabto la xiriirto saldhiga taliska booliska.

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada