Daawo:- Degmada Kaaraan oo horumar dhismo iyo mid ganacsi uu ka jira

Daawo:- Degmada Kaaraan oo horumar dhismo iyo mid ganacsi uu ka jira

daajis.com:- Degmada Kaaraan ee ku taal dhinaca Waqooqi beri Muqdisho ayaa sanadihii u danbeeyay kasoo kabaneysay burburka iyo dib u dhaca mudo sanado ah ay ku jirtay, waxaana hadda laga dareemayaa horumar baaxad leh oo dhan walba leh, hadey ahaan laheyd ganacsiga iyo dib u dhiska xarumaha ganacsi iyo guryaha shacabka.

Degmada ayaa waxaa ka jira ganacsi xooggan, kaasoo maamulka degmada ugu soo xarooda dhaqaalaha ay maamulka degmada ku tiirsan yihiin.

Ganacsatada deegaanka ayaa juhdi badan ku bixiyay sidii degmada Kaaraan bilicdeedii usoo noqon laheyd, waxaana hadda ka socda dhismooyin dabaqyo laga taagayo oo uu hirgeliyay Ganacsade Muxuddiin Yuusuf iyo mid kale oo isna ay hadda dhismahiisa ka wado shirkadda isgaarsiinta Hormuud.

Dugsigii Hoose Dhexe ee degmada Kaaraan oo mudo 25 sano burbursanaa ayaa hadda Hay’adda Daryeel Bulsho Guud (DBG) ay dayactirtay, iyadoo uu kusoo laabtay sidii uu ahaa 90-kii ka hor.

Sawirro aan idiinkaga soo qaadnay degmada oo muujinaya bilicda iyo dib u dhiska ka socda, daawasho wacan.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada