Qarax Ismiidaamin Ah Oo Lala Eegtay AMISOM

Qarax Ismiidaamin Ah Oo Lala Eegtay AMISOM

daajis.com:- Kolonyo ay la socdeen Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa galabta waxaa lagu weeraray wadada u dhaxeyso Degmooyinka Janaale iyo Marka, xilli ay kolonyo la socdeen.

Ciidamada Amisom, ayaa doonaayay in gaadiid kaga xanibnaa wadada ay ka soo jiitaan, waxaana lagu weeraray gaari caasi/hoomey ahaa oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Jug aad u culus, ayaa laga maqlay inta u dhaxeyso Janaale iyo Buufow. Buufow waxay 3km u jirtaa Degmada Marka, halka 5km ay u jirto Degmada Janaale, oo Talaadadii lagu weeraray Xoogaga Midowga Afrika.

Qaraxa ka dib waxaa halkaasi laga maqlay rasaas ay dhowr jiho u furayn Xoogaga Amisom, gaar ahaan Ciidanka Uganda oo sida la sheegay ay iyagu yihiin kuwa la weeraray.


Faah faahin badan lagama haayo khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaase la ogyahay in Ciidanka Uganda ay xireen wadada uu weerarku ka dhacay, iminkana ay gaarayan ciidan kale oo dheeraad ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada