Daawo:- Meydadkii askartii Ugandha ee lagu dilay Janaale oo Kampala la geeyay

Daawo:- Meydadkii askartii Ugandha ee lagu dilay Janaale oo Kampala la geeyay

daajis.com:- Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay magaalada Kampala ka dejisay meydadka 10 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Ugandha si dalkooda loogu aaso, kuwaasi oo lagu dilay weerarkii deegaanka Janaale ay ku qaadeen Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidamada dalka Ugandha, Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in weerarkii Janaale looga dilay 12 askari iyo dhaawaca tiro kale, wuxuuna sheegay in meydadka askartii la dilay dib loogu soo celiyay dalkooda.

Weerarkii Janaale ayaa lagu dilay 50 askari sida ay xaqiijiyeen ilo diblumaasiyadeed iyo saraakiil ka tirsan ciidamada, waxaana nolosha lagu la’yahay tiro ciidamada Ugandha ka tirsan.

Ugandha waa dalkii ugu horeeyay ee ciidamo ka ka socda AMISOM yimaada dalka Somalia.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada