daajis.com:- War goor dhow naga soo gaaray shirka Khamiislaha golaha wasiirada ee maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa sheegaya in xilkii ay ka qaadeen Taliyihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo Abaanduulihii ciidamada xoogga dalka Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi.
Golaha Wasiirada ayaa lagu soo waramayaa in xil ka qaadista Taliyayaashaan aysan jirin sabab ay u cuskadeen, hase ahaatee la filayay in ay dhacdo isbadalo lagu sameeyo hoggaanka ciidamada xoogga dalka.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in golaha wasiiradda ay ansixiyeen xil kale oo loo magacaabay Jen. Indha-qarshe, walow xilkaasi uusan ilaa hadda nasoo gaaray darajada ay tahay.
Warar madax bannaan ayaa sheegaya in xil ka qaadista Saraakiishaan sare ay ka mid tahay fulinta heshiisyo siyaasadeed oo Madaxweynaha uu la galay Siyaasiyiin iyo xubno Dowladda ka tirsan.
Xil ka qaadista iyo magacaabida Taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa iska leh Madaxweynaha, inkastoo golaha wasiirada ay leeyihiin soo jeedin iyo in ay ansixiyaan marka Madaxweynuhu magacaabo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:48 and have
, Published at