Daawo:- Qaar ka tirsan Fanaaniinta Kooxda Xidigaha Geeska oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Daawo:- Qaar ka tirsan Fanaaniinta Kooxda Xidigaha Geeska oo soo gaaray magaalada Muqdisho

daajis.com:- Qaar ka mid ah Fanaaniinta Kooxda Xidigaha Geeska ee fadhigooda yahay magaalada Hargeysa ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo habeenka Ciidul Adxa ay qaban doonaan Bandhig Faneed ay farxada ciida kula wadagayaan shacabka Muqdisho.

Fanaaniintan oo kala ah Nimcaan Hilaac, Maxamed Axmed Cirro Bakaal, Xamda Queen iyo C/raxmaan Oday ayaa saaka si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Fanaanka Nimcaan Hilaac oo Ciidii la soo dhaafay bandhig faneed cajiib ahaa ka dhigay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu mar kale ku faraxsan yahay inuu ku soo laabto magaalada Muqdisho, isagoo ay wehliyaan asxaabtiisa Kooxda Xidigaha.

Sidoo kale C/raxmaan Oday ayaa isna sheegay in shacabka Muqdisho ay kula dabaal degayaan farxada ciida, ayna aad ugu faraxsan yihiin inay yimaadaan Caasimadda Soomaaliya.

Maxamed Axmed Cirro Bakaal ayaa ka mahad celiyay sida diirneyd ee loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Fanaanada Xamda Queen oo sheegtay in markii u horeysay ay tahay ee ay Muqdisho timaado ayaa xustay inay farxad darteed ay la dhici gaartay, ayna uga mahad celineyso taageerayaasheeda sida wacneyd ee loo soo dhoweeyay.

Ugu dambeyn Fanaaniintan ayaa uga mahad celiyay Hey’adda CCD inay gacan ka geysatay imaanshahooda magaalada Muqdisho, ayna ku faraxsan yihiin inay Bandhig Faneed ay qaban doonaan habeenka Ciida.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada