daajis.com:- Waxaa maanta Saldhigyada Booliska ee Magaalada Muqdisho ka socda qaybinta Mushaaraadka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyadoo Bilihii u dambesay Booliska qaranka ay helayaan Mushaaraadkooda ay xaqa u lahaayeen.
Ciidamada ku sugan saldhigyada Magaalada Muqdisho ayaa hada qaadanaya Mushaaraadka, iyadoo maalin waliba Saraakiisha Saadka ee ciidamada Booliska ay booqanayaan Saldhiga ay ka bixinayaan mushaarka.
Saraakiil ay ka mid yihiin Taliyaha Hogaanka Canshuuraha Booliska, General C/laahi Xasan Bariise ayaa ku howlan qaybinta Mushaaraadka ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Ciidamada oo ay ka muuqato farxad sare ayaa qaadanaya Mushaaraadka ay xaqa ugu leeyihiin Dowladda, iyadoo ciidamada ay ku sheegayaan Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska inuu wax badan ka bedelay hanaanka Booliska uu ku shaqeeyo.
Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliya Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa booqday qaabka ay ku socoto Mushaar bixinta ciidamada Booliska, isaga oo ku ammaanay Saraakiisha ku howlan bixinta Mushaaraadka ciidamada sida nidaamsan ee Mushaarka ay u bixinayaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at