Daawo: Saraakiil ka tirsanaa Maamulka S/LAND iyo Maxaabiis Sharci daro ugu Xirnaa Jeelka oo isu dhiibay Khaatumo

Daawo: Saraakiil ka tirsanaa Maamulka S/LAND iyo Maxaabiis Sharci daro ugu Xirnaa Jeelka oo isu dhiibay Khaatumo

daajis.com:- Qaar kamid ah Maxaabiistii dhowaan ka baxday Xabsiga magaalada Laascaanood ee Sida Sharci darada ah ay ugu Xidhnaayeen Iyo Saraakiil ka tirtsanaa ciidanka Asluubta ee maamulka Somaliland oo Howl-galkaasi Fududeeyay ayaa ka warbixiyey sidii wax u dhaceen.

Cabdiraxmaan Maxamed Xandule ayaa wuxuu sheegay in markii hore ay iyagu Xabsiga kala baxeen Rag aan dil gaysan oo u xidhnaa Beesha Sacad yoonis, kadib markii ay arkeen cadaalad Darada maamulka Hargeisa, wuxuuna sheegay intaasi ka dib Maxaabiistii kalana ay gadood sameeyeen oo ay meesha isaga Baxeen.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha debeda maamulka khaatumo Rashiid Cawil Cabdi Hiirad ayaa sheegay in Maxaabiistu ay isugu jirtay Qayb dulmi u xidhnayd, iyo Qayb loosoo xidhay beel kamida SNM, Iyagoo lagu eedaynay dilal iyo dhibaato aysan gaysan, wuxuuna xusay inay qayb ka noqon doonaan Ciidamada khaatumo.


HALKAN KA DAAWO VIDEO




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada