DAAWO:- Shiinaha oo u dabaal degay 70-guuradii ka soo wareegatay dagaalkii labaad ee Aduunka

DAAWO:- Shiinaha oo u dabaal degay 70-guuradii ka soo wareegatay dagaalkii labaad ee Aduunka

daajis.com:- Shiinaha ayaa u dabaal degay 70-guuradii ka soo wareegatay markii uu ka adkaaday Japan dagaalkii labaad ee adduunka, waxaana munaasabad lagu soo bandhigay dhoolatus milateri ay ka dhacday fagaaraha Tianmen ee magaalada Beijing.

Illaa 12 kun oo ciidamo iyo 200 oo diyaaradood ayaa ka qeyb galay dabaal dega 70-guurada ka soo wareegatay dagaalkii labaad ee adduunka, markii Shiinaha ay ka adkaadeen Japan.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa munaasabada ka sheegay in shacabkiisa ay dagaal adag soo galeen, ayna ka guuleysteen Japan-kii xilligaas dagaalka kula jira.

Xi Jinping ayaa sidoo kale sheegay inuu dhimi doono illaa 300, 000 oo ciidamada Shiinaha ka mid ah, inkastoo aanu sheegin waqtiga la dhimi doono ciidamadaas.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaal caalamka ka socday, inkastoo aanay qeyb ka aheyn Madaxda Reer Galbeedka, waxaana madaxda lagu casuumay ka mid ahaa Madaxweynaha Ruushka, Koofur Kuuriya iyo madax kale oo Afrikaan ah.

Awooda ciidan ee sii koreysa dalka Shiinaha ayaa isha lagu haayo, xilli ay xiisad ka jirto Gobolka, waxaana horay u jiray walaac laga qabay awoodaha milateri ee Shiinaha ku leeyahay gobolka.












FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada