daajis.com:- Xiddiga Chelsea Eden Hazard ayaa sheegay inuu noqon Karin gool dhaliye rasmi ah sida Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.
Kadib markii uu xagaagii hore ku guuleystay xiddiga sanadka lana qaaday Chelsea horyaalka xagaagan cusub wax gool uma dhalin kamana bixin dhiiqada kooxdiisa oo afar kulan afar dhibcood leh.
19 gool ayuu Hazard dhaliyay xagaagii hore tartamada oo dhan laakiin isaga iyo Cesc Fabreas waxaa ay kamid yihiin xiddigaha uu Jose Mourinho ku tilmaamay iney yihiin Flop xagaagan.
24 jirkan ayaa sheegay inuusan marnaba ku qancin inuu la tartami karo Ronaldo iyo Messi oo 7-dii sano ee la soo dhaafay ku tartamayay xiddiga Adduunka ugu fiican.
“waxaan weydiiyaa nafsadeyda sidan ku noqon karo Messi iyo Ronaldo oo 50-ilaa 60 gool dhaliyay xili ciyaareed.
“waan isku dayi karaa laakiin waxaan aaminsanahay inaan noqon Karin gool dhaliye rasmi ah,ma raadinayo rikoorkooda oo kale hadii aan dhaliyo 15 ilaa 20 gool xili ciyaareed waan farxi doonaa ayuu yiri hazard isagoo la hadlayay Sport/Foot Magazine.
Chelsea ayaa ku jirta haatan kaalinta 13 aad ee horyaalka,waa arin yaableh.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 08:30 and have
, Published at