Daawo:- Soo dhowayntii Farmaajo ee koonfur Africa oo meel la Kala fadhiisto La waayey iyo (Waraysi)

Daawo:- Soo dhowayntii Farmaajo ee koonfur Africa oo meel la Kala fadhiisto La waayey iyo (Waraysi)

daajis.com:- Munaasabad soo dhaweyn ah ayaa dalka Koonfur Afrika loogu Sameeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo; taasoo ay kasoo qaybgaleen qaybaha Bulshada, sida Aqoon-yahanno, waxgarad, ganacsato, dhalinyaro iyo haween oo tiradoodu kumannaan qof ahayd, iyadoo ay Goobta Xafladdu ay ka dhacaysay ay u suuro-geli waday inay soo galaan kumannaan qof oo kale.

Xafladda oo ay ka hadleen Xubno Matalayay Ururada Jaaliyaddaha Sooomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa rajeeyay Farmaajo inuu Alle ku guuleeyo Tartanka Xilka Madaxnimo ee Somalia doorashooyinka lagu wado inay Dalka dhacdo Sannadka 2016-ka. Waxayna ku dareen hadalkooda inay u arkaan inuu yahay Ruuxa keliya ee Samata-bixin kara ummadda Soomaaliyeed ee colaadaha & maamul-xumadu dib u dhigtay 25-kii sano ee lasoo dhaafay.

Safiirka Somalia ee dalka Koonfur Afrika, Danjire Jamaal Maxamed Barrow  ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Farmaajo kusoo dhaweeyaan dalkan Koonfur Afrika.

DAAWO WARAYSI FARMAAJO UU SIIYEY TV-GA KOONFUR AFRICA.


Mudane Farmaajo ayaa booqasho ku yimid dalka Koonfur Afrika oo ay ujeeddadiisu tahay in midnimo iyo is-fahan ay gaaraan Bulshada Soomaaliyeed ee Waddamada Caalamka iyo gudaha dalka ku nool, ayna u yeelan lahaayeen Qaadhaan Qaran.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada