daajis.com:- Abdi Hakin Ulad, waa wiil Soomaaliyeed oo si qaxootinimo ah ku galay dalka Denmark, waxa uu nasiib u yeeshay inuu ku guuleysto tartanka Orodka dalkaas.
Waxaa uu ku cararay 1:02:48, Abdi Hakin Ulad , kaliya ma uusan qaadan guusha laakiin, kamana adkaanin ciyaartooydii dalkaasi udhalatay balse waxaa uu ka adkaaday dhamaan ciyaartooydii dalkaasi u ordeysay. Ayeey masuuliinta ciyaaraha dalkaasi ay sheegeen.
Abdi Hakin Ulad, hada waa muwaadin heysta dhalashadda dalka Denmark waxaana uu ku nool yahay magaalo ku taala daafaha caasimadda Copenhagen oo lagu magacaabo Hvidore, Mr Abdi Hakin Ulad, waxaa uu dalka Denmark tagay isagoo 14 jir ah.
Qiyaastii 125,000 Usero fecebook ah ayaa daawatay Video kusaabsanaa orodkiisa oo aan anigaba aan ku jiro oo aan kadaaway soomaaliya, intii uu ku guda jiray orodka, waan guul soomaaliya usoo hoyatay, inkasoo uu heysto dhalashada dalka Denmark haddana waxaa uu lamid yahay Mo Frah oo u orda dalka Ingiriiska xalayna rikoor wanaagsan ka dhigay caalamka.
Halkaan Hoose ka Daawo
“ Aad ayaan ufaraxsanahay maxaa yeelay waxaa lagu qabtay tartanka dalka Denmar, waa dhacdo igu xusuus ah” ayuu wariyaasha usheegay orodyahanka.
Abdi Hakin Ulad, ayaa waxaa uu meteli doonaa dalka Denmark koobka 2016 ee Olympics-ka ee 10,000 ee Meter.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 13:57 and have
