Madaafiic maanta lagu garaacay saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihin Gobolka Sh/Hoose

Madaafiic maanta lagu garaacay saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihin Gobolka Sh/Hoose

daajis.com:- Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta tiro madaafiic ah lagu garaacay saldhig ay Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ku leeyihiin deegaanka Leego ee Gobolka Sh/Hoose.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in tiro madaafiic ah ay maqleen kuwaa oo ku dhacay meelo ku dhaw dhaw saldhiga Ciidamada AMISOM ee la duqeeyay, waxaana madaafiic iyana dhankooda ku jawaabay Ciidamada AMISOM. Sargaal katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo ku sugan Deegaanka Leego ayaa Warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ay maanta madaafiic dhoor ah ay kusoo garaaceyn saldhiga Ciidamada AMISOM ke leeyihiin Leego.

Sargaalka ayaa tilmaamay in wax qasaaro ah uusan AMISOM kasoo gaarin duqeyntaasi ,waxa uuna intaa raaciyay in madaafiicda Al-Shabaab ay duqnta u adeegsadeen ay yihiin kuwa ay horey Al-Shabaab uga qaateen saldhiga ay Ciidamada AMISOM ku lahaayeen Deegaankaasi.

Waxa kale uu sheegay Sargaalkan in Ciidamada AMISOM ay dhankooda duqeeyeen goobta laga soo duqeeyay, waxa uuna intaa raaciyay in howlgal ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada sameeyeen lagu soo qabtay mid kamid ah madaafiicdii ay Al-Shababa adeegsaeen.

Wali si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay Duqeynta maanta ka dhacday Deegaanka Leego, Al-Shabaab ayaana horey saldhigyo ay Ciidamada AMISOM ku lahaayeen Gobolka Sh/Hoose uga qaatay madaafiic rido heer iyo hub badan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada