Daawo:- Taliyaha Guud ee Ciidamada Amisom oo Maanta Booqday Degmada Janaale

Daawo:- Taliyaha Guud ee Ciidamada Amisom oo Maanta Booqday Degmada Janaale

daajis.com:- Taliyaha Guud ee Ciidamada Amisom, General Jonathan Rono ayaa maanta booqasho aan horey loo sii shaacin ku gaarey Degmada Janaale Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ayaa u kuurgalayay xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada wuxuuna wareystay qaar ka mid ah Saraakiisha ka qayb qaadatay dagaalkii lagu soo qaaday xaruntii Janaale, si uu wax badan kaga ogaado weerarkaasi iyo sida uu saamaynta ugu yeeshay Xeradooda.

General Jonathan Rono oo ka hadlay socdaalkiisan, ayaa sheegay inuu ku saleysan yahay sidii uu u darsi lahaa Ciidanka Amisom, kuwaa oo sida uu sheegay ay qaarkood waayen, halka qaar kalana ay dhaawacmeen.

Wuxuuna yiri “Waxaan rabaa inaan darso asxaabteena, Ciidamada geesiyaasha ah, kuwaa oo qaarkood weynay, qaar kalana dhaawacmay, waxay aqbaleen inay wajaheen mushkiladda, taa oo ka jirta dalkan.”





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada