daajis.com:- Xoogaga Al shabaab ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya sidii ay ula wareegeen goobihii ay isaga Baxeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ee Degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Ciidamada Dowladda & Amisom ayaa duhurnimadii Jimcaha isaga baxay Degmadaasi, iyagoona u dhaqaaqay dhinaca Degmada Buulo Mareer ee isla gobolka Shabeelaha Hoose.
Xoogaga Al Shabaab ayaa soo galay Degmada Kuntuwaarey iyagoo lugeynaaya, waxayna soo gelintaankooda isugu soo baxay qaar ka mid ah bulshada ku nool Degmadaasi.
Shabaabka ayaa waxay saldhigyo ka samaysteen Xarunta Degmada, Garsoorka iyo Saldhiga Booliska Degmadaasi, iyadoona ay Degmadaasi dib ugu soo laabteen, muddo 12 bilood ka dib.
Gudoomiyaha Ururka Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose, Sheekh Maxamed Abuu Cabdall ayaa ku faanay inay qabsadeen Kuntuwaarey, markii ay baqdin soo wajahday Ciidamada Huwanta ah, sheegayna inay Degmada la wareegeen iyadoon wax xabad ah dhicin.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:30 and have







