Meydadka Askar badan oo Imaaraadka looga dilay Yaman oo dalkooda lagu celiyay iyo Baroordiiq loo sameenayo

Meydadka Askar badan oo Imaaraadka looga dilay Yaman oo dalkooda lagu celiyay iyo Baroordiiq loo sameenayo

daajis.com:- Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijisay in ciidamo gaaraya 45-askari shalay looga dilay Dalka Yaman , kadib markii gantaal ay ku duqeeyeen Kooxda Xuutiyiinta xero ay Ciidamada kasocda Imaaraadka ay ka sugnaayeen Yaman.

Anwar Gargash oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in askartan ku dhinteen gantaal ay kooxda Xuutiyiinta la heleen bakhaar hubka lagu keydiyo ay ku sugnaayeen askrtaasi geeriyootay.

Askarta Imaaraadka kasocotay ee ku sugnaa xerada la duqeeyay oo kutaala deegaan katirsan Gobolka Maarib , waxaan qaraxa ka dhashay keydka hubka uu ka dhacay Gantaalka ku dhintay 45-katirsan Ciidamada Imaaraadka iyo 5-askari oo kasoo jeeda Baxreyn.

Meydadka Ciidamada kasoo jeeda Imaaraadka ee lagu dilay Dalka Yaman ayaa dib loogu celiyay dalkooda si aas loogu sameeyo, waxa ayna Dowlada Imaaraadka ku dhawaaqday sadax maalin oo baroordiiq loo sameenayo askarta Yaman kaga geeriyootay.

Isbaheysiga Carbeed uu hogaaminayo Sacuudiga ayaa wali wada dagaalka ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta, waxa ayna Diyaaradaha Isbahaysiga Duqeymo ku wadaan saldhigyo iyo xarumo ay maamulaan Kooxda Shiicada Xuutiyiinta

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada