daajis.com:- Kooxda Kubada Cagta ee Xulka qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa la sheegay inay diyaar garowgii ugu dambeeyey ay ugu jirto tartanka ciyaaraha Koobka aduunka iyadoona ay Kooxda Soomaaliya ay dhawaantaan la ciyaari doonto Xulka Qaranka ee dalka Niger.
Xulka qaranka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta ayaa waxay ku jiraan diyaar garoow xoogan oo kku saabsan sidii ay uga qeyb gali lahaayeen ciyaaraha kuabada Cagta aduunjka aduunka, Kooxda Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxay tababar xoogan ku sameynayeen magaalada Muqdisho iyadoona ay intaas ka dib u kicitimi doonaan magaalada Adisbaba ee dalka Itoobiya halkaas oo ay ku sii tababaran doonaan islamarkaana ay kula ciyaari doonaan 9ka Bisha Oktobar ee sanadkaan Ciyaar ka mid ah is reeb reebka Koobka aduunka kooxda ka socoto xulka qaranka ee dalkaas Niger iyadoona lugta labaad ee ciyaartaas lagu ciyaaro doono caasimada dalkaas Niger ee Niamey.
Ugu dambeyntiina iyadoo kooxda xulka Qaranka Soomaaliyeed ay ka qeyb geli doonaan ciyaartaas is reeb reebka ah ee ka dhici doonto magaalada Adisababa ayaa waxay wararku sheegayaan inay arintaan ay keentay ka dib markii ay diideen kooxda ka socotey dalkaas Niger inay ciyaartaas ay ka dhacdo dalka Soomaaliya arintaas oo keentay inay Kooxda Soomaaliya ay sidii gurigooda oo kale ay ugu dheeleen dalka Itoobiya gaar ahaan magaalada Adisbaba, Ciyaaraha Koobka kubada cagta Aduunka ayaa waxaa lagu wadaa in sanadka 2018 uu ka dhaco dalkaas Ruushka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:30 and have
, Published at