Ciyaaryahan Afrikaan ah oo isku sharraxay Hoggaanka Ururka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA

Ciyaaryahan Afrikaan ah oo isku sharraxay Hoggaanka Ururka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA

daajis.com:- Laacibkii Hore ee Reer Nigeria, Segun Odegbami ayaa ku dhawaaqay inuu rabo in uu noqdo madaxwaynaha FIFA, kaddib markii uu Xilka iska casilay sannadkan bartamihiisii Joseph Sepp Blatter oo sannado badan hoggaaminayay ururka.

Ciyaaryahankan oo 63-jir a h ayaa ku Guulaystay Koobkii Qaramada Qaaradda Afrika ee 1980-kii, isagoo ciyaartoy ah ayuu haddana ahaa qofkii labaad ee Afrikaan ah ee damaaciya jagadaasi ugu saraysa ee FIFA, waxaa isaga kasii horeeyay Musa Bility oo Reer Liberia ah.

Odegbami ayaa u sheegay BBC-da in loo baahan yahay in ay Africka kaalin weyn ay ka qaadato Kubadda Adduunka.

Murashaxiinta Rajaynaya inay bedelaan Madaxwaynaha sii socda ee FIFA Sepp Blatter waxay haystaan illaa iyo 26-ka bisha 10-aad ee sannadkan si ay u helaan shan ruux oo taageersan oo FIFA ka tirsan.

Sidoo kale, Odegbami wuxuu sheegay in damiciisu uu mar kasta ahaa inuu mar uun Hay’adda Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA isbedel ku sameeyo ha noqoto tan dalkiisa ama tan heer caalam.

Doorashada lagu soo xulanayo madaxweynaha Xiga ee FIFA ayaa la qabanayaa 26-ka Feberaayo, 2016-ka.

Ugu dambeyn, Madaxa UEFA, Michel Platini iyo Chung Mong-joon oo u dhashay Kuuriyada Koonfureed ayaa ka mid ah dadka ku dhawaaqay in ay Tartamayaan xilka Hoggaanka sare ee FIFA.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada