daajis.com:- Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada shisheeyeha AMISOM ay isaga baxeen saldhig weyn oo ay ku lahaayeen deegaan dhaca duleedka degmada Buula Mareer.
Wariye ku sugan gobolka shabeelaha Hoose ayaa soo sheegay in ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay qabsadeen tuulada Cambareey ee u dhaxaysa degmooyinka Buula Mareer iyo Baraawe.
Ciidamo katirsan dowladda Uganda ayaa la xaqiijiyay in ay isaga baxeen deegaanka oo ay ku lahaayeen saldhig weyn oo la rumeysanyahay in ay ka koontarooli jireen degmada Baraawe.
Waa saldhiggii 3-aad oo ay ciidamada shisheeyaha AMISOM ka cararaan tan iyo wixii ka dambeeyay Camaliyaddii Janaale ee dhacday 1,9,2015 waxaana halkaasi lagu dilay ku dhawaad 100 askari oo Yugaandheys ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:50 and have
, Published at