Dhegayso: Kaliil oo ciidamo lasoo galay Garbahaarey, Etoobiyaan soo weeraray, shacabka oo kacay iyo xiisad ka taagan

Dhegayso: Kaliil oo ciidamo lasoo galay Garbahaarey, Etoobiyaan soo weeraray, shacabka oo kacay iyo xiisad ka taagan

daajis.com:- Maxamed Cabdi Kaliil oo ah guddoomiyaha dowladda Soomaaliya ugu magacaaban gobolka Gedo, ayaa maanta tagay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Maamulka Jubbaland ayaa waxay horey u sheegeen in Kaliil laga qaaday xilkii Guddoomyennimo ee Gobolka Gedo, balse waxa uu ku adkeysanayaa in isaga uu weli yahay guddoomiyaha.

Tegitaanka Kaliil ee Garbahaarey, ayaa xiisad ka dhalisay magaalada, kadib markii ciidamada Ethiopia ee jooga magaalada ay isku hareereeyeen gurigii uu ku sugnaa Kaliil.

Si kastaba ha ahaateen, dadweyne ka mid ah kuwa magaalada ayaa banaanbax ka hor sammeeyey guriga Kaliil ee Itoobiyaanka ay isku hareereeyeen, taasi oo keentay in ciidamada Ethiopia ay ka tagaan guriga.


Wararka naga soo gaaraya Garbahaarey waxa ay sheegayaan in weli xiisad iyo cabsi ay ka jirto magaalada. Haddaba Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa waxaan ka warreysanay sidii ay maanta wax u dhaceen, iyo xil ka qaadis uu horey ugu sammeeyey Axmed Madoobe.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada