daajis.com:- Wararka ka imaanaya gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay saan-saan colaadeed oo ay wado Maamulka Puntland.
Aweys Cali Saciid oo ah Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug oo ka hadlaayay magaalada gaalkacyo iyo xaaladeeda amaan ayaa sheegay inay la socdaan in Maamulka Puntland uu u tafa-xeydanaayo hurin colaadeed kadhan ah Maamulka Galmudug.
Aweys waxa uu sheegay in Puntland ay Ciidamo farabadan u diyaarineyso inay geyso xadka ay la wadaagto Galmudug, waxa uuna intaa raaciyay in ujeedkooda uu yahay carqaladeynta amaanka xuduuda iyo deegaanada saaran xadka.

Dhanka kale, waxa uu ku goodiyay in dhankooduna ay Xadka ka geyn doonaan Ciidamo gaashaaman oo ka feejignaada duulaanka ay abaabulkiisu wado Pntland.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:08 and have
, Published at