Wadanka Swedan oo ay isku Dileen dhalinyaro Soomaaliyeed iyo Carab xalada oo ah mid kacsan

Wadanka Swedan oo ay isku Dileen dhalinyaro Soomaaliyeed iyo Carab xalada oo ah mid kacsan

daajis.com:- Isbuucaan waxaa magaalada Stockholm ka dhacay dilal isdaba joog ah oo loo geystay 3 dhalinyaro Soomaali ah. Dhacdadaan oo soo bilaabatay habeenkii khamiista ayaa waxaa wiil Soomaali ah lagu dilay xaafada Bromsten oo ku dhow Rinkeby iyadoo habeenkii ku xigay la dilay wiil kale oo la sheegay in uu xiriir la leeyahay dilkii hore, ka dibna xalay ayaa la dilay wiil kale oo isna la sheegay in dilkiisu la xiriiro kuwii hore.

Waxaa sidoo kale la dhaawacay qof kale. Dhacdooyinkaan ayaa dadka qaarkood ii sheegeen in ay xiriir la leeyihiin dhac loo geystay dukaanka Forex Bank ee lacagaha laga sarifto. Dadka ku nool xaafadaha Rinkeby, Rissne iyo agagaarkooda ayaa cabsi weyn la soo daristay, iyagoo qaarkood ay ii sheegeen in ay dareemeen dhacdooyinkii aargoosiga ahaa ee ka dhici jiray Somalia.

Ma ahan markii ugu horeysay ee dhalinyaro Soomaali ah lagu dilay Sweden, iyadoo ay dhowr isbuuc ka hor ahayd markii magaalada Örebro lagu dhaawacay labo wiil oo Soomaali ah midkalena lagu dilay. Dhacdooyinkaan ayaa intoobada badan la sheegay in ay xiriir la leeyihiin kooxo abaabulan oo dambiileyaal ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada