Hungary :-Hadaan la joojin qulqulka qaxootiga Yurub Islaamka ayaa qabsan doona”

Hungary :-Hadaan la joojin qulqulka qaxootiga Yurub Islaamka ayaa qabsan doona”

daajis.com:- R/wasaaraha dalka Hungary Donald Tusk, ayaa sheegay in Yurub ay halis ugu jirto in Islaamka la wareego, hadii aan laga hor tegin qul qulka qaxootiga isaga soo cararaya dalalka Syria, Iraq, Soomaaliya iyo Yeman.

“Hadii aan muslimiinta u ogolaano Qaaradeena mardhow waxaa na qabsan doona iyaga, Qaaraduna waxay noqon doontaa mid Islaamka ku xooganyahay” ayuu yiri Donald Tusk.

In badan oo kamid ah siyaasiyiinta Hungary iyo shacabka ayaa si aad ah uga soo horjeedo qulqulka qaxootiga, maxaa yeelay waxay u arkaan kuwo mustaqbalka fog la wareegi kara talada dalkooda.

Marka laga yimaado hadalka R/wasaaraha Hungary oo gaf ku ah ilbaxnimada iyo xadaarada ay sheegtaan reer galbeedka, hadana dalal badan oo Yurub ah ayaan la qabin fikirkaas, iyagoona soo dhaweeyay qaxooti farabadan sida dalalka Jarmalka, Austria iyo Sweden.

R/wasaaraha Hungary Donald Tusk, ayaa sidoo kale sheegay ineey wadaan qorshe ay darbi weyn uga dhisayaan xuduudka ay la wadaagaan Romania, si ay u xadidaan qulqulka qaxootiga, sidoo kale Hungary ayaa darbi weyn ka dhistay xuduudaha ay la wadaagto dalalka Serbia iyo Croatia.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada