daajis.com:- Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba ayaa sheegaya in halkaasi uu goor dhow ka dhacay qarax xooggan oo ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan Maamulka Jubba.
Qaraxa wuxuu ka dhacay Xertada shiirkole dhexdeeda halkaasoo sida la sheegay mushaar loogu qeybinayay ciidamada Maamulka Jubba xiliga uu qaraxa dhacayay.
Madaxa Amniga Kismaayo Maxmauud Qaalib Cali ayaa warbaahinta u sheegay in sedex sarkaal ku dhinteen 7 kale dhaawacmeen sida uu sheegay inkastoo uusan soo hadal qaadin mushaar qeybinta ciidamada.
Sarkaaalkaan wuxuu tilmaamay in qaraxa oo gudaha xerada ka dhacay uusan aheyn mid banaanka kaga yimid balse ay tuhusan yihiin in dad iyaga dhexdooda ah ay ka daneeyaan.
“baaritaan ayaan wadnaa dhowr qofood waa loo xirey qarxa wixii ka soo baxana waad ogaan doontaan”ayuu yiri Maxamuud Qaalib Cali
Dhanka kale Xoogaga Alshabaab ayaa sheegtay inay qaraxaasi ka danbeeyaan mar uu hadlay afhayenka dhanka howlgalada ee Alshabaab.
Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay weerarkooda ku dileen saraakiil ka tirsan maamulka Juba inkastoo uusan tiro sheegin.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:45 and have

