Jaamacadda SIMAD oo maanta Xaflad soo dhoweyn u qabatay illaa Kun Arday cusub

Jaamacadda SIMAD oo maanta Xaflad soo dhoweyn u qabatay illaa Kun Arday cusub

daajis.com:- Jaamacadda SIMAD ayaa maanta xaflad soo dhaweyn ah u sameysay illaa Kun arday oo cusub oo jaamacadda ku soo biirtay sanadkan, kuwaasoo baran doona takhasusyo kala duwan.

Munaasabad lagu qabtay xarunta weyn ee jaamacadda ee magaalada Muqdisho, waxaa ka soo qeyb galeen macallimiin, waaliddiin, arday iyo marti kale.

“ Muddo dheer ayaan ku hamminayay inaan jaamacad billaabo, maanta ayay ii suurta gashay, waxaan aad ugu faraxasanahay inaan kusoo biiro jaamacadda SIMAD anigoo weliba ka soo baxay dugsi sare, waxaana u doortay waxaan ku qancay kuliyadaha jaamacadan laga dhigo” ayay tiri Fardowsa Maxamed Ciise oo ka mid ahayd ardayda jaamacaddu qaadatay sanadkan.

Jaamacadda SIMAD waxay bixisaa sagaal kulliyad oo ka kooban 21 takhasus, kuwaasoo ay ardaydu baran karaan, waxaa sii dheer waxbarashada shahaaddada labaad (Master Degree) oo leh takhasusaad kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD Daahir Xasan Cabdi ayaa soo dhoweeyay ardayda ku soo biiray jaamacadda.

“Aad ayaan ugu faraxsan ahay inaad soo doorateen inaad ka mid noqotaan ardayda jaamacaddda SIMAD, soo dhowaaada jaamacada waa jaamacadiina, maanta laga bilaabana waxaad ka mid noqoteen ardayda jaamacadda”ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD.

Jaamacadda SIMAD oo la aas aasay 1999-kii, waxay ardayda qaadataa laba jeer sanadkii, iyadoo iminka ay dhigtaan kudhawaad afar kun oo arday.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada