Abuu Muscab “Weerarkii Janaale wuxuu aar-gud u ahaa shacabkii AMISOM ku xasuuqday Marka”

Abuu Muscab “Weerarkii Janaale wuxuu aar-gud u ahaa shacabkii AMISOM ku xasuuqday Marka”

daajis.com:- Al-Shabaab ayaa sheegatay in 50-askari oo ka mid ah kuwa AMISOM ee ka soo jeeda Uganda ku dishay weerar culus oo saaka waabarigii hore ku qaaday saldhig ay ku lahaayeen afaafka hore ee deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaas uu aar-gud u ahaa shacabkii Ciidamada AMISOM 31-kii bishii July ku xasuuqeen magaalada Marka.

“Saakay aroortii salaadii subax kadib waxay Mujaahidiinta weerareen saldhig Ciidamada AMISOM ku sugnaayeen, waxaa weerarkaas qaaday Guutada Sheekh Abuu Zubeyr, waxaa lagu furay weerar istish-haadi ah, qarax ismiidaamin, oo isku dhex yaacisay ciidamadii meesha joogay, kadibna ciidamo aad u hubeysan ayaa ku daatay xerada oo fududeeyay in cadawga xerada laga saaro”ayuu yiri Abuu Muscab.

Abuu Muscab ayaa xusay in weerarkaas oo ahaa mid qorsheysan, ay dagaalyahanadooda ku furteen saanad milateri, isla markaana si guud ula wareegeen saldhiga ciidamada.


“Weerarkan ujeedadiisa waxay aheyd aar-gud, oo loogu aar-gudayo shacabka Marka oo maalmihii u dambeeyay ay xasuuq u geysteen ciidamada Uganda, waxaa ku jiray dad isku qoys ahaa afar wiil iyo aabahooda oo aroos joogay, oo arooskii u bedeleen murugo”ayuu yiri Abuu Muscab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in meydka Ciidamada AMISOM uu sii caga cageynayo illaa kontameeyo, ayna jiraan ciidamo wabiga isku tuuray oo qaarkood looga daba tagay, waxaana uu intaa ku daray ciidamadii boqolaalka ahaa ee xerada ku sugnaa ay yar tahay inta ka bad baaday weerarkaas.

Weerarkan ayaa ahaa kii labaad oo noociisa ee Al-Shabaab ku qaadaan xero ciidan oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM, waxayna aheyd bishii Ramadaan horaanteeda, markii Al-Shabaab weerar ay ku laayeen in ka badan 50-askari ku qaadeen Xero Ciidamada Burundi ku lahaayeen deegaanka Leego.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowladda oo gurmad ahaan uga yimid dhinaca Shalanbood ayaa la sheegay in qarax lagula eegtay agagaarka deegaanka Buufow, waxaana dadka deegaanka ay soo sheegayaan in Al-Shabaab ay joogaan deegaanka Janaale.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada