Kalluumeysiga sharci darada ee Soomaaliya oo laga digay inay dib u soo celiyaan burcad badeedka

Kalluumeysiga sharci darada ee Soomaaliya oo laga digay inay dib u soo celiyaan burcad badeedka

daajis.com:- Kalluumeysiga Sharci darrada ee Xeebaha Soomaaliya ayaa soo kordhayay muddooyinkii u dambeeyay, iyadoo Khubarada ay ka digeen inay dib u soo celiyaan falalkii burcad badeedka.

Warbixinta ka soo baxday Hey’adda ka faloota Kalluumeysiga Nabdoon ayaa lagu sheegay in maraakiibta ajaaniibta ay kalluumeystaan saddex jibaar inta ay kalluumeystaan Soomaalida, iyagoo ka sameynaya in ka badan saddex boqol oo milyan oo dollar.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in sababihii ay ku aas-aasmeen burcad badeedka ay aheyd kalluumeysiga sharci darada ah, isla markaana ay haatan si xowlo ah u socdaan howlaha kaluumeysiga sharci darrada.

Dalalka Iiraan, Yemen iyo wadamo kale oo ku yaala Qaaradda Aasiya ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee kalluunka qaaliga ah ka qaata Xeebaha Soomaaliya.


Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay kallumeysiga sharci darrada inay u daran tahay deegaanka, iyadoo shabaqyada kalluunka ee wa awayn ee loo isticmaalo biyaha hoostooda uu baabi’iyo waxa badda ku dhex nool.

Badda Soomaaliya ayaa qani ku ah noocyada kala duwan ee Kalluunka, sida Kalluunka Tunnaha loo yaqaano, kaasoo si aad ah loogu iib geeyo dalalka Caalamka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada