Nin Injineer ahaa oo lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Nin Injineer ahaa oo lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

daajis.com:- Injineer dhinaca dhismaha ah ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho, kadib markii gaari uu watay loogu xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo xilliga uu qarxayay uu marayay agagaarka Buundada Ansalooti ee degmada Xamar Jajab

Injineerkan oo lagu magacaabo Eng, Siidow Cismaan Cali ayaa qandaraas ka qaadan jiray Maamulka Gobolka Banaadir, isagoo ka qeyb qaatay dhismaha xarumo ku yaala magaalada Muqdisho..

Ma jirin cid wax ku noqotay, marka laga reebo in Injineerka kaliya uu wax ku noqday qaraxa, isla markaana qaraxa uu ahaa mid looga xiray qeybta hoose ee kursiga darawalka.

Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoore ayaa qaraxan uu ahaa kuwa baabuurto lagu xiro, isla markaana gaariga Injineerka loogu xiray, isagoo intaa ku daray in aysan jirin cid kale oo wax ku noqotay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Injineerka la bartimaameedsaday uu ka qeyb qaatay dhismooyin dhowr ah oo magaalada Muqdisho laga hergaliyay, isagoo ahaa Injineerkii dib u dhiska ku sameeyay xarrumo ay ka mid yihiin Daljirka Dahsoon, xarrunta gobolka Banaadir iyo dhismayaal kale.

Ma jirto cid sheegatay weerarkan, waxaana weeraro noocaan ah oo horay uga dhacay magaalada Muqdisho mas’uuliyadooda sheegatay Al-Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada