daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya mudane xasan sheekh Maxamuud oo dalka Talyaaniga ugaaray inuu ka qayb galo Bandhig dowladeedkii lagu qabtay Magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga.
Madaxweynaha Qaranka Soomaaliya ayaan dalkani Talyaaniga loogu soo dhawayn sida madaxda aduunka loogu soo dhaweeyo, marka ay booqanayaan dalal kale.
Madaxweynaha ayaa waxa uu Tareenka caadiga ah ka soo raacay Garoonka Diyaaradaha, iyadoo aysan jirin wax madax ah oo ku soo dhawaysay goobtaasi. Tani ayaa waxa ay ka turjumaysaa Qiimaha aan maanta aduunka ka leenahay hadaan nahay Shacabka Soomaaliyeed, madaxdeenina aysan ka damqanayn sumcad xumada meesha taal.
Dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Talyaaniga ayay ahaayeen Cida kaliya ee sida sharaf leh u soo dhawaysay Madaxweynaha Ummadda Soomaaliyeed.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:00 and have

