Markab u rarnaa QM oo lagu soo qabtay hubka daran-dooriga udhaca & daroogo

Markab u rarnaa QM oo lagu soo qabtay hubka daran-dooriga udhaca & daroogo

daajis.com:- Dowladda Kenya ayaa Maanta Shaacisay inay hub iyo Rasaas badan ka heshay Markab sitay Calanka Norway oo Gaadiid u waday Qaramada Midoobay, kaasoo ku soo xirtay Todobaadkii lasoo dhaafay dekedda Magaalada Mombasa.

Booliiska Kenya ayaa sheegtay in Talaadadii shalay ahayd laga helay hub aad u fara badan Markab lagu magacaabo Hoegh Transporter, iyadoo Shirkadda Markabkan leh ay sheegtay in hubka laga helay Gudaha Qaar ka mid ah gaadiidka Qaramada Midoobay, kuwaasoo loo waday ciidamada QM ee ka howlgala Congo.

“Sidaan ognahay hubkaas wuxuu ku dhex-jiray gaadiidka Qaramada Midoobay ay lahayd, Galkaas ayaana laga helay, Waana hub loo waday Ciidamada QM ee ka howlgala Congo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed lasoo dhigay Website ay shirkaddu leedahay.

Waxayna Shirkaddu intaa raacisay. “Hubkan nalooma sheegin markii markabka aan kusoo rananaynay markabka. Dhab ahaatii hubkaas gaadiidka ayuu ku dhex-jiray, waana tallaabo lagu Car-qaladeynayo Howlaheenna dhoofinta Shixnadaha. Waayo ma jirto dowlad aan ka aqbalayno inaan hub iyo rasaas u qaadno.”

Taliyaha Booliiska Mombasa, Francis Wanjohi ayaa u sheegay Reuters inaan weli si dhab ah loo ogeyn hubka laga helay Markabka. Isagoo intaas ku daray in sidoo kale Markabkan laga helay Daroogo Khatar ah.

Shirkadda Markabka leh ayaa Warbixinteeda ku sheegtay in Hubka Saarnaa Markabkooda aysan wax war ah u hayn, balse ay ogaadeen markii Xukuumadda Kenya ay shaacisay inay markabkooda ka heshay hub.

Ugu dambeyn, Booliiska Kenya ayaa bishii July ee sannadkan ka helay gaari ka mid ahaa gaadiid ku rarnaa Markab kusoo xigtay Dekedda Magaalada Mombasa Daroogada Heroin oo Culeyskeedu ahaa 341-kg.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada