daajis.com:- Tony Abbott, Ra’iisal Wasaaraha Wadanka Australia, ayaa galabta si lama fillaan ah xilka looga qaaday, ka dib markii Xildhibaanada Baarlamaanka Ee Xisbiga Liberal-ka, ay cod u qaadeen isaga iyo Malcolm Turnbull.
Tani waxay ka dambeysay markii la dhaliilay hogaaminta Ra’iisal Wasaaraha, wuxuuna markaa uu soo jeediyay in Xildhibaanada Liberal-ka, ay codka u qaadaan, iyadoona codayntii looga adkaaday.
Malcolm Turnbull, ayaa helay 54 cod, halka Tony Abbott uu helay 44 cod. Malcolm Turnbull ayaa noqonaaya Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Australia. Wuxuu kaloo noqonayaa Ra’iisal Wasaarihii 29-aad ee Australia yeelato.
Ka hor inta aan codka loo qaadin, ayuu Abbott uu Warbaahinta ka sheegay in Isniinta maanta la qaban doono codaynta, lana arki doono cidii ku soo bixi laheyd.
Abbott oo kalsooni badan qabay, ayay tani layaab ku noqotay. Dadka waxay horey u saadaalinayen in Abbott uu codaynta ku soo baxaayo, isla-markaana uu sii ahaan doono Hogaamiyaha Australia.
Ra’iisal Wasaaraha laga adkaaday, ayaa xilkan qabtay 17-kii bishii September ee sanadkii 2013-ka. Waxaana lagu tiriyaa mid aan soo dhawayn muhaajiriinta.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:00 and have

