Wiilka Uu Dhalay Mourinho Ee Jose Mourinho Junior Miyuu Guuldaradii Aabihii Ee Everton uu Ku Maadsaday? Barta Twitterka Ayuu Soo Dhigay Astaan Muran Badan Dhalisay.

Wiilka Uu Dhalay Mourinho Ee Jose Mourinho Junior Miyuu Guuldaradii Aabihii Ee Everton uu Ku Maadsaday? Barta Twitterka Ayuu Soo Dhigay Astaan Muran Badan Dhalisay.

daajis.com:- Kulankii ay Everton 3:1 ku garaacday kooxda koobka horyaalka Ingriiiska difaacanaysa ee Chelsea ayaa keentay in dad badani ay kaga maadsadaan baraha bulshooyinka, laakiin waxaa la yaab noqotay in wiilka uu Mourinho dhalay ee Jose Mourinho Junior uu ka mid ahaa dadka ku maadsaday Blues iyo Mourinho.

Markii uu Steven Naismith goolkiisa saddexaad uu ka dhaliyay goolhaye Asmir Begovic ayuu  Jose Mourinho Junior  bartiisa twitterka soo dhigay astaan lama filaan ah isaga oo u muuqaday inuu ku maadsanayo in kooxda uu aabihii gacanta ku hayo ee Chelsea guuldaro xun ay la kulmaysay.

Jose Mourinho Junior  ayaa astaanta qosolka ah ee hoos ka muuqata soo dhigay bartiisa twitterka laakiin isla markiiba wuu ka masaxay balse waxaa lagu guulaystay in sawiro laga qaado arintan lama filaanka ah dad badan ku noqotay. Jose Mourinho Junior  ayaa ah wiil si wayn u taageera kooxda Barcelona, wuxuuna markii danbe isku dayay inuu sharaxaad ka bixiyo qoraalkiisa.22Jamaahiirta Chelsea ayaana wiilka Mourinho ka dalbaday inuu sharaxaad ka bixiyo faaladiisa qosolka ah wuxuuna wiilkani markiiba bartiisa ka saaray sawirka su’aalaha u keenay, wuxuuna meesha ka sheegay in uu aabihii iyo kooxda Chelsea ku maadsanayn.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada