daajis.com:- Saraakiil 4 ah oo doowlada Uganda ay dhawaan shaqada ka joojisay, ayaa lagu wadaa in maxkamad lagu soo taago magaalada Kampala.
Saraakiishan oo tiradooda 4 lagu sheegay, ayaa shaqada laga joojiyay maalmo kadib markii uu dhacay weerarkii ay al-shabaab ku qaadan deegaanka Jannaale ee Shabeelaha Hoose, halkaasoo lagu dilay tiro badan oo ciidamada Uganda ka tirsan.
Shaqo ka joojintaan, ayaa waxaa amray Madaxweynaha dalka Uganada Museveni, xili uu ka hadlayay Radiyaha ciidamada Militeriga difaaca dalkaasi, sidoo kalena Madaxweynaha ayaa sheegay in uu la yaabay sida Al Shabab ay ujabiyeen ciidamada difaaca dowlada Uganada, oo ku suganaa saldhiga uu weerarka ka dhacay.
Dhinaca kale Afayeenka ciidamada dowldda Uganada Paddy Ankunda, ayaa dhawaan usheegay wargeyska the Observer, in ay baariaano ku hayaan taliyaasha, lagu eedeyay dayicid amni.
Todobaadkaan mar ay saxafadda dalka Jaban, ay wareysi layeelatay Madaxweynaha dalka Uganda Musaveni, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in werarkaasi ay kagag geeryoodeen 19 askeri, halka la waayay lix kamid ah ah ciidamadooda kuwaasoo uusuuragal ka dhigay in ay gacanta ugu jiraa Al Shabaab.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:34 and have

