daajis.com:- Goobjooge: “Ma rumeysan karo wixii aan indhahayga ku arkay xili aan ka qeyb qaadanayay farxad aroos, waxaa goobta 6 nin oo wata dareen Madoow wajiyada ayaana u duubnaa, waxay wateen Qoryo fud fudud, waxay dileen arooski iyo aroosada, kadibna waxay bilaabeen ineey mid mid u dilaan dadkii xaflada arooska joogay”.
Inaad ku nolaatid deegaanka Siinaay ee waqooyiga Masar, waxay lamid tahay in waqti kasto aad qatar ugu jirto ineey ku dilaan kooxo aan heybtooda la aqoon xitaa hadii aad aroos tahay, iyadoo qoyskaaguna aysan ogaan cida ku dishay iyo sababta laguu dilay, waana mid ku dhacday “Calyaan Salaama” oo ahaa arooska lagu dilay deegaan ku yaa,l saxaraha Siinaay gaar ahaan xuduudka ay wadaagaan Masar iyo Srael.
Galabnimadii Axada aynu soo dhaafnay, ayaa 6 ruux oo wata darees Madoow, waxay soo weerareen deegaan ku yaal Siinaay, waxayna dadkii xaflada arooska joogay ka dalbadeen ineey gacmaha kor u taagaan, kadibna waxay dileen wiilkii arooska ahaa Caylaan Salaama, kadibna waxay dileen 11 ruux oo xaflada arooska ku sugnaa, kadibna waxay afduubteen oo wateen nin lagu magacaabo “Zeydaan” oo arooska ku sugnaa, kaasoo la dhashay “Xasaneyn Ibraahiim”, kaasoo horay ugu dhintay duqeyn ay diyaaradaha Srael ka fuliyeen saxaraha Siinaay sanadkii 2012.
Weerarkan ayaa dhacay xili dadka deegaanka ay ka qeyb qaadanayeen farxada arooska, mana jirto ilaa iyo hada cid garatay sababta ay kooxdaan u fuliyeen falkaas foosha xun.
Dadka deegaanka oo la hadlay TV-ga Al Jazeera, ayaa sheegay ineey aaminsanyihiin in falkaan aysan ka dambeyn ciidamada Masar iyo ururka Daacish ee ka dagaalama Saxaraha Siinaay, balse ay ka dambeeyaan sirdoonka Srael.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in kooxda falkaan fulisay ay ku hadlayeen lahjad aan tan Masaarida ahayn, waxayna dadkii ay xasuuqeen ku dul tuureen cuntadii loo diyaariyay dadka ka qeyb galayay xaflada arooska.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:38 and have

