Shabaab oo sheegay in daawooyinka cudurka Aids-ka ay ugu taggeen Degmada Kuntuwaarey

Shabaab oo sheegay in daawooyinka cudurka Aids-ka ay ugu taggeen Degmada Kuntuwaarey

daajis.com:- Ururka Al Shabaab oo Jimcihii la wareegay gacan ku haynta Degmada Kuntuwaarey Ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay Degmadaasi inay ugu taggeen anshax xumo ay ka wadeen Ciidanka Amisom.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ee Ururka Al Shabaab, Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, oo la hadlay Idaacada Alfurqaan oo afka Shabaab ku hadasha, ayaa Xoogaga Nabad Ilaalinta ku eedeeyay anshax xumo tii ugu weyneyd, sida uu yiri.

“Xagga Xerooyinka waxaa ka muuqday anshax xumo tii ugu weyneyd, waxyaabaha anshax xumada ee buugaagta ah ee meesha daadsanayd. Waxaa kaloo xusid mudan xashiis iyo qamri meelaha daadsanaa, sigaar iyo waxyaabaha qurunka ah ay isticmaalan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha, ayaa qeexay in dawooyinka loo qaato cudurka HIV/Aids, ay halkaasi ku arkayn, waxaad is lee dahayba buu yiri waa dadkii cudurada xun xun qabay oo Somaliya loo soo dhoofiyay.

“Waxaa xusid mudan in dawooyinka Aids-ka loo cuno qaarkood meesha ay kaga taggeen, waxaad is leedahayba waaba dadkii cudurada xun xun qabay oo Somaliya loo soo dhoofiyay inayba yihiin. Dawooyin, wasaq, qashin, daroogo iyo waxyaabaha anshax xumada oo tiro badan, ayaa Mujaahidiinta meesha ay ku arkayn, wayna gubeen.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla.

Abuu Cabdalla, ayaa sidoo kale Ciidanka Amisom ku eedeeyay inay kufsi kula kaceen haween danyar ah, kuwaa oo ay daruuftu u saamixi weyday inay isaga guuraan Kuntuwaarey, sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlaayay xaaladda Degmadaasi Kuntuwaarey, ayuu tilmaamay inay dadku bilaaben dib inay ugu soo guryo noqdaan, noloshana ay tahay mid ka soo raynaysa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada