daajis.com:- Waxa gabo-gabo ku dhaw wejigii labaad ee shirkii Balicad ee Gobolka Cayn, waxaana shirkaasi haatan ku dhaw yahay inuu soo afmeermo maalinimada sabtida ah, dhamaan qaybaha saxaafadda ayaa loo sheegay inaysan shirka qyab ka ahayn ilaa dhamaadkiisana aysan heli doonin qodobada.
Shirka ayaa sidoo kale lagu lafa gurey arimo dhawr ah, ayadoo golaha sare ee dhaqanku ay soo jeediyeen talooyin, kuwaasoo ay ka mid yihiin in dhamaan madaxdhaqameedkii saxiixay Khaatumo gogol loo dhigo, isla markaana midnimo laga raadiyo, waxayna taas u gudbiyeen maamulka, dawladduna si buuxda ayey u ogolaatay.
Waxa sidoo kale la soo afmeeray mad madow ka jirey hay’adaha maamulka qaar, ayadoo wacad lagu wada maray in si buuxda Khaatumo loogu shaqeeyo dalkana la xoreeyo, dawladduna ay gudbiso Istartijiyad buuxda oo lagu hawlgalo.
Qaar ka mid ah madaxdhaqameedka ayaa xaqiijiyey inay dhigeen gogol guud oo madaxda dhaqanka ah, ayagoo dhawaan soo saari doona goobta ay noqon doonto iyo mudadaba.
Sidoo kalena dawladdu ay ogolaatay in si buuxda loo raadsho midnimada, laguna dhinac wado ololaha xoreynta, waxayna meesha ka saareen in hada aan cidna wada hadal lala geleyn inta dhulka Khaatumo ay haystaan cadowgu.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 13:00 and have
, Published at