War Deg Deg Ah Al-Shabaab oo Shaacisay tirada Ciidamada AMISOM ay ku dileen Weerarkii Janaale saakay ku qaadeen

War Deg Deg Ah Al-Shabaab oo Shaacisay tirada Ciidamada AMISOM ay ku dileen Weerarkii Janaale saakay ku qaadeen

daajis.com:- Xarakada Al-Shabaab ayaa faah faahin ka bixisay weerar qasaaro badan dhaliyay oo saakay aroor hore dagaalyahano katirsan kooxdaasi ay ku qaadeen Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeeaha Hoose.

Afhayeenka Howlgalada ee Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo goordhaw Shir Jaraa;id qabtay ayaa sheegay in ciidankooda ay weerar qasaaro badan dhaliyay ku qaadeen Deegaanka Janaale gaar ahaan xerada Ciidamada AMISOM ku lahaayeen Deegaankaasi.

Abuu Muscab ayaa sheegay in Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay weerar ku galeen lana wareegeen saldhigii Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay ku lahayaeen Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa shaaciyay weerarkii ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada AMISOM ee Deegaanka Janaale in ay ku dileen in ka badan 50-askari oo katirsanaa Ciidamada AMISOM sidoo kale ay ku furteen saanad milatari oo aad u badan.

Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa xusay Weerarka ay ku qaadeen Deegaanka Janaale in uu ahaa mid loogu aarguadayay sida uu sheegay shacabkii ay dhawaan Ciidamada AMISOM ku laayeen Magaalada Marka.

AMISOM ayaan wali faah faahin ka bixin weerarka Al-Shabaab ku qaadeen xero ay ciidankoodu ku lahaayeen Deegaanka Janaale, waxaana weerarkaasi ka dhahay qasaaro xoogan oo labada dhinac kala gaaray inkastoo aan laheyn tirada rasmiga ah qasaaraha ka dhashay weerarka Al-Shabaab ku qaadeen Janaale.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada