daajis.com:- Weeraryahanka England Wayne Rooney ayaa sheegay xiddiga ay iskudalka yihiin ee Raheem Sterling inuu dareemayo farxad badan uuna saldhigtay tan iyo markii uu ka tagay Liverpool kuna biiray Man City.
20 jirkan ayaa £49milyan ugu wareegay kooxda ku ciyaarta garoonka Etihad Stadium waxaana uu noqday mid kamid ah heshiisyadii ugu weynaa xagaagan suuqa kala iibsiga.
Sterling ayaa kala kulmay baraha bulshada aflagaadeyn badan tan iyo markii uu ka tagay Anfield taas oo kaga imaaneysa taageerayaasha Liverpool.
Raheem Sterling ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay City kulankii Watford ee dhamaadka bisha August markaas oo 2-0 ay ku adkaadeen.
Daily Star ayuu u sheegay Rooney “ waa uu faraxsan yahay haayan waan hubaa ,waxaa uu doonayay bixitaan,sifiican ayuu ku bilowday xili ciyaareedka waana uu sal dhigtay Man City ayuu yiri.
Rooney ayaa sheegay farxada Raheem Sterling iney caawin doonti dalka England oo ka qeybgalaya ciyaaraha Euro 2016.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:00 and have

