daajis.com:- Mame Diouf oo u ciyaara kooxda Stoke ayaa la fahansanyahay in ay hooyadii ku geeriyootay is buurashadii xajka ka dhacday.
Kooxda Stoke ayaa u tacsiyaysay ciyaaryahankooda.
Kooxdu waxay intaas ku dartay in ay Diouf siin doonto taageerada muhiimka ah ee uu u baahanyahay inta uu ku jiro wakhtigan adag.
Ciyaaryahankan oo horay ugu soo ciyaaray kooxda Manchester United afka horana uga dheela qarankiisa Senegal ayaa Stoke ugu biiray si lacag la aan ah kaddib markii uu qandaraasku ka dhamaaday bishii todobaad ee sanadkii hore.
Dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay in dhimashadii bishii hore ka dhacday Makkah agteeda ay ku dhinteen 769, laakiin saxaafadda dalalka kale iyo waliba siyaasiyiin ajaaniib ah ayaa sheegay in ay dhimashadu kor u dhaafayso 1,000 qof.
Qaybta war qabadka ee BBC ayaa tirada dhimashada gaarsiisay 1,216 iyaga oo ku salaynaya wararka rasmiga ah iyo warbixinada warbaahinta ee 34 wadan oo dadkoodu ay ku dhinteen is buurashadaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:15 and have

