daajis.com:- Facebook ayaa shaacisay in qorsheeneyso sameynta Barnaamikii ugu horeeyay oo internet sattellite ah loogu samaynayo qeybo badan oo kamid ah dhulka fog ee Qaarada Afrika.
War qoraal ah oo kasoo baxay madaxa Facebook Mark Zuckerberg, ayaa lagu sheegay AMOS-6 satellite la dhisayo uuna joogi doono hawada Afrika korkeeda , waxaana barnaamijkan loogu tala galay in uu daboolo baahiyo badan oo dhinaca Internetka ah.
Barnaamijkan ay Facebooka Internetka ku gaarsiineyso dhul balaaran oo Qaarada Afrika katirsan ayaa la sheegay in ay kala shaqeeneyso Facebook shirkada Eutelsat, ee laga leeyahay Dalka Faransiiska.
Facebook iyo Shirkada kale ee kala kaashaneyso Garasiinta Internetka Qaarada Afrika ayaa la filayaa in ay u diraan satellite sanadka danbe, si uu internet u gaarsiiyo dadka degan meelaha fog ee Qaarada Afrika.
Shirkada Facebook ayaa macaamiil badan ku leh qeybo badan oo Qaarada Afrika, waxaana Facebook sheegtay in Dalalka Nageria iyo Kenya ku leeyihiin labaatan milyan oo macaamiil , iyadoo dadka badankood ay isticmaalayaan taleefoonada mobileka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:32 and have
, Published at