daajis.com:- Ayaan Abdilaahi Macalin Axmed Waa Gabadh Soomaaliyeed oo Iyadoo Yar Hooyadeed Weyday Isla Markaasna garan La’ Meel Ay ugu Hagaagto, Waxayna hada Baadi goobkeeda u timid magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer.
Ayaan ayaa waxay ka warbixisay Dhacdada Murugada badan leh, waxayna sheegtay inay soo korisay Ayaydeed, Sidoo kalana waxay sheegtay in aabaheed ay markii ugu horaysay Aragtay Sanadii 2008-dii islamarkaana uu geeriyooday.
Ayaan oo la waydiiyey Hooyadeed si loo helo Qabiilkeeda ayaa waxay ku sheegtay in la yidhaahdo Shamsa Xasan Cige, oo Kasoo Jeeda Beesha Isaaq, Gaar ahaan Habar-jeclo, Sidoo kale waxay sheegtay inay iyadu tahay Hawiye/Murusade, Waxayna Bulshada ka codsatay in lala baadi goobo Hooyadeed oo ay ugu danbaysay iyadoo jirta 3-bilood.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 07:30 and have
