Halis Cusub Oo Ku Wajahan Jubbaland (MAXAY?)

Halis Cusub Oo Ku Wajahan Jubbaland (MAXAY?)

daajis.com:- Shir ay maanta isugu yimaadeen gudoomiyaha gobolka J/hoose iyo hay’adaha ka howlgala deegaanada gobolka J/hoose ayaa looga wada hadlay sida ugu haboon ee looga hortagi karo fatahaad laga cabsi qabo in uu sameeyo webiga Jubba ee mara sedexda gobol ee uu ka arimiyo maamulka Jubbaland.

Kulankan ayaa looga dooday sida looga hortagi karo in ay waxyeelo geeystaan fatahaadaha laga cabsi qabo in uu sameeyo webiga Jubba, maadaama aalaaba marka uu webigu fataho ay qasaarooyin kasoo gaaraan dadka ku nool deegaanada uu maro webigaasi.

Gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane Cabdirashiid Cabdulaahi gooni oo kulanka markii uu soo dhamaaday kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankoodu ku qotomay sidii looga gaashaaman lahaa fatahaadaha ay dhici karto in uu sameeyo webiga Jubba.

“Runtii fikirro badan iyo dood dheer kadib go’aanada la qaatay waxay noqdeen in marka hore baaq ama wargein dheer lagu wargeliyo beesha caalamka, gaar ahaan hay’adaha aan dowliga ahayn kuwa gudaha, kuwa caalamiga ah iyo wadamada deeqaha bixiya in ay arintaasi u diyaargaroobaan wixii agab ah ee ay hayaanna ay usii diyaaragaroobaan,” ayuu yiri gudoomiyuhu.

Gudomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in loo baahanyahy in adeegyada ay fuliyaan hay’adaha kala duwan ee gudaha iyo kuwa caalamiga ahba la doonayo in ay ku baahiyaan guud ahaan gobolka, isagoo sheegay in hay’adihi dhammaantood ay isugu soo urureen Kismaayo, islamarkaana ay go’doon noqdeen bulshada ku dhaqan qaar kamid ah deegaanada gobolka J/hoose.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada