Wariyeyaashii Telefishinka Universal oo dib u helay xoriyadooda

Wariyeyaashii Telefishinka Universal oo dib u helay xoriyadooda

daajis.com:-Wariyeyaashii Telefishinka Universal ayaa goor dhow la sii daayay, kadib markii muddo lix maalmood ay ku xirnaayeen xabsiga Ciidamada Nabadsugida.

Sida ay sheegayaan wararka sii deynta Wariyeyaashan ayaa ka dambeysay markii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka dalbaday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka in Wariyeyaashaas la sii daayo.

Agaasimihii Bariga Afrika ee Telefishinka Universal C/llaahi Xirsi Kulmiye iyo Wariye Cawil Dahir Salaad ayaa jimcihii la soo dhaafay la xiray.

Xarigooda ayaa ka dambeysay markii todobaad ka hor uu Telefishinku qabtay dood wadaag looga hadlayay xaalada Soomaaliya, waxaana la rumeysan in doodaas ay dhibsatay dowladda.

War saxaafadeedka ka soo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in arrinta ku saabsan xildhibaanada ka qeyb galay doodaas looga hadli doono Baarlamaanka gudihiisa, isla markaana loo gudbinayo arrinta anshaxa ee Baarlamaanka.

Labada Xildhibaan oo kala ah Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa sheegay in Soomaaliya aysan xor aheyn oo ajnabi heysto.

Xafiiskii Telefishinka Universal ee magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid isna xirnaa oo Hey’adda Nabadsugida ay albaabada isugu dhifatay, markii la xiray labada wariye, sidoo kale waxaa hawada laga saaray Kanaalka Universal TV ee laga daawanayay Cable-lada ka howl gala magaalada Muqdisho.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada