Kay oo warqad furan oo amaan ah usoo diray duqii hore ee Muqdisho (Muungaab)

Kay oo warqad furan oo amaan ah usoo diray duqii hore ee Muqdisho (Muungaab)

daajis.com:- Warqad qoraal ah uu Ergayga gaarka ah ee Q.midoobay arimaha Soomaaliya Nicholas Kay uu u soo Diray Guddoomiyihii Hore ee gobalka banaadir ahna Duqa Muqdisho ayuu ku amaanay wadashaqeynii iyo Xiriirkii wanaagsanaa ee ka dhexeyay Q.midobay iyo Maamulkii Gobalka banaadir ee uu Hormuudka u ahaa Mudane Xasan Maxamed Xuseen Gen Muungaab

Nicholas Kay ayaa yiri ‘’Waxan uga faaideysanayaa fursadan in aan kaaga mahad celiyo shaqadii adkeyd ee aad ka qabatay Magaalada muqdisho, farxad ayey ii aheyd Wadashaqeyntii aan kula yeeshay ayuu ku yiri warqadda uu Nicholas Kay u diray Duqii hor ee Magaalada Muqdisho”

Mr Key Wuxuu kaloo si gaar ah uga mahadceliyay dadaalkii uu ka geystay hubinta in si nabadgalya ah Q.midoobay uga shaqeyso Magaalada Muqdisho.

Ergayga gaarka ah ee Q.midoobay Arimaha Soomaaliya Nicholas Key ayaa Xiriir dhaw la lahaa Maamulka Gobalka banaadir ee uu horkacay Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, isagoo oo meela kala duwan oo magaalada muqdisho ah Xiliyo kala duwan kula caweeyay Dadweyanaha magaalada muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada