daajis.com:- Golaha Wasiirada Galmudug oo uu hogaaminayo Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa waxay maanta shir deg deg ah ku yeesheen Magaalada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud. Cadaado waa Xarunta ku meel gaarka ah ee Galmudug.
Shirkan, ayaa waxay si weyn uga hadleen Ururka Al Shabaab oo maalmo ka hor la wareegay Deegaanka Cammaara Ee Gobolka Mudug, iyadoo Bacaadweyn oo Cammaara u jirta 3km laga dareemay saan-saan colaadeed.
Golaha Wasiirada Galmudug, ayaa waxay isku raaceen in ciidan loo diro Bacaadweyn, si Ururka Al Shabaab looga saaro Deegaankaasi Cammaara, iyagoona isku raacay inaan la dhayalsan Shabaabka soo galay Cammaara.
Shabaab
Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Galmudug, Daahir Faarax Siidow, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado, ayaa sheegay in Madaxda Galmudug ay isla meel dhigeen, sidii Shabaab looga saari lahaa Cammaara.
Wasiir Ku Xigeenku wuxuu bidhaamiyay in Galmudug ay ciidan u diri doonto Bacaadweyn, maadaama sida uu sheegay aan la dhayalsan karin Shabaabka cagta soo geliyay Cammaara.
Siidow, ayaa sidoo kale sheegay in dadka ku dhaqan Bacaadweyn iyo Cammaara loo qaban doono barnaamijyo looga wecyigelinayo Shabaab, marka laga saaro Cammaara, oo ay hadda ku sugan yihiin.
Ciidan ka tirsan Galmudug iyo shacabka reer Bacaadweyn, ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay wadeen abaabul ka dhan ah Shabaab, bacdamaa baqdin laga muujinayo in Shabaabku soo galaan Bacaadweyn.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:02 and have

