Hoteel uu ku sugnaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Yemen oo Sawaariiq lagu garaacay & Khasaaro ka dhashay

Hoteel uu ku sugnaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Yemen oo Sawaariiq lagu garaacay & Khasaaro ka dhashay

daajis.com:- Hoteel ay ku shaqeeyaan Ra’iisul Wasaaraha dalka Yemen iyo xubno ka mid ah Golahiisa Wasiirada ayaa lagu garaacay Sawaariiq ay soo rideen Xoogaga Xuutiyiinta ee ka dagaalamaya dalka Yemen.

Weerarkaasi waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamadii ku sugnaa Hotelka ee ilaalada u ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Yemen iyo xubnaha ka midka ah Golahiisa Wasiirada.

Hoteelka weerarka lagu qaaday ayaa lagu magacaabaa Qasr oo ku yaallo caasimada dalka Yemen.

Ilaa 13 qof oo ciidan ah ayaa ku dhintay halka 9 kale ku dhaawacmeen Sawaariiq lagu garaacay xarunta ay ku shaqeyso Xukuumadda Yemen ee magaalada Cadan.


Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in Ciidanka dhintay ahaayeen Yemen iyo Imaaraadka  isagoo intaa raaciyay in dhacdadan ay mas’uul ka yihiin Xuutiyiinta iyo Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Salix.

Waxaa suuragal ah in Khasaaraha dhimashada uu intaasi ka bato, maadaama weerarka loo adeegsaday hub culus, sidoo kale waxaa la arkaayay Hoteelka oo qiiq uu ka baxaayo.

Lama sheegin ilaa hada masuuliyiin waxyeelo ay ka soo gaartay weerarkaasi Sawaariiqda loo adeegsaday oo Xoogaga Xuutiyiinta ay ku qaadeen Hoteelka Qasr.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada