QATAR: Ruushka oo digniin culus u diray Mareykanka

QATAR: Ruushka oo digniin culus u diray Mareykanka

daajis.com:- Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa ka digay qorshaha Mareykanka uu ku doonayo in maalmaha soo socda uu ciidamo gaar ah ugu diro waqooyiga Suuriya.

Mr Lavrov ayaa sheegay in xaalada Suuriya ay uga sii dari karto, hadii Mareykanka ciidamo geeyo, isla markaana colaada halkaas ka jira ay sii huriso.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Obama uu amray in ciidamo lugta ah loo diro Waqooyiga Suuriya, si ay u caawiyaan kooxaha mucaaradka.

Ciidamadan lugta ah ayaa tababari doona xoogaga mucaaradka, iyagoo ka caawin doona istiraatiijiyada dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Wada hadalada ka socda Vienna ee looga hadlayo sidii loo soo afjari lahaa colaada Suuriya ayaa muuqata in dowladaha ka qeyb qaadanaya ay isku ra’yi ka aheyn in Madaxweyne Bashar Al-Asad wax door ah ku laheyn mustaqbalka Suuriya.


Dalalka reer galbeedka ayaa doonaya inuu meesha ka baxo Mr Asad, halka Ruushka uu diidan yahay, isla markaana ku adkeysanayo in cida ay arrintaas u taal ay tahay dadka Suuriya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada