daajis.com:- Tababare Jose Mourinho ayaa ka dhawaajiyay inuu iska casili doono shaqada kooxda Chelsea hadii uu lumiyo aaminaada ciyaartoydiisa.
Macalinkaan reer Portugal ayaa ku dhawaaday in laga raacdeeyo shaqada kooxdaan kadib markii ay maamulka Blues ka arinsadeen xaaladiisa kadib guuldaradii Southampton oo u aheed midii shanaad ee xili ciyaareedkaan tartamada oo dhan iyo tii afaraad ee horyaalka Ingiriiska.
52-jirkaan ayaa nasiib ku lahaa inaan laga ceyrin madama maamulka kooxda ay u garteen inuu sii haayo xilka balse macalinkaan ayaad moodaa inuu shaqadiisa adkeysanayo isagoo u sheegay saxaafada inuu kooxda ka tagi hadii ciyaartoydiisa aysan aaminsaneen.
“Imaw isbuuca soo socda Cobham, John Terry ma aadi doono ciyaaraha qaranka sidoo kalana Costa ma aadi doono, Ramires isna waa la mid, weydii ayaga”
“Hadii ay kuu sheegaan ineysan i aaminsaneen waa sababta kaliya aan uga tagi karo Blues, arinta kaliya, balse maya warbixino been abuur ah”
Si kastaba Blues kulanka xiga waxey 17-ka October la ciyaari doontaa Aston Villa iyadoo 10-dhibcood ka hooseysa kooxda Manchester City oo haatan hogaanka heysa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:00 and have

