42-jirkii hore Swansea City ayaa laga raacdeeyay shaqada Reds markii uu barbaro la galay Everton kulankii Merseyside Derby waxaana jiray warbixino dhowr ah oo Jurgen Klopp la xiriirinaya kooxdaan balse Sky Sports Italia ayaa ku warantay in Liverpool ay qorsheyneyso iney dalab u gudbiso Roberto Di Matteo.
45-jirkaan reer talyaani ayaa kooxda Blues u qaaday koobka horyaalada yurub sanadkii 2012, balse kadib wuxuu xil kasoo qabtay kooxda Schalke 04.
Dhanka kale Di Matteo kuma guuleysan inuu waqti badan hogaamiyo kooxda reer Jarmal madama uu ku guuldareestay inuu soo gaarsiiyo Champions League isagoo kaliya 2-guulood u keenay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay dhamaadkii horyaalka Jarmalka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:30 and have

